Askar badan oo Muqdisho dil, dhaawac iyo dhac ka geesatay oo la qabtay +Sawirro

104

Ciidanka booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa howlgallo kala duwan ay ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho , waxa ay kusoo qabteen askar iyo rag kale oo dil, dhaawac iyo dhac u geestay dad shacab ah.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada howlgal kusoo qab qabteen sagaal nin oo ku eedeysan dil, dhaawac iyo dhac, kuwaa oo ciidamada qabteen markii ay dabagal ku sameeyeen.

Booliiska ayaana sheegay in ay jiraan shabakado abaabulan oo burcad ah , kuwaa ay sheegeen in dadka dhibaatooyin ku hayaan, waxa ayna booliiska xuseen in shabakadaasi ay ku socdaan baaritaanno.

Raggan hubeysan ee booliiska soo qabteen ayaa u badan askar katirsan ciidanka xoogga dalka iyo booliiska, kuwaa oo hubkii loogu dhiibay in shacabka ku ilaaliyaan bilaabay in shacabka ku dilaan, kuna dhacaan.
Booliiska gonolka Banaadir ayaana marar badan gacanta kusoo dhigay burcad u badnaa ciidanka dowladda oo dil, dhaawca iyo dhac ka geestay caasimadda, waxaana marar badan dhacday in burcada qaarkood laga sii daayay saldhigyadii lagu xiray.