Askar Ka Tirsan Ciidamada Somaliland Oo Dil Iskugu Gaystay Magaalada Hargeysa

1648

Laba askari oo ka wada tirsan ciidamada somaliland ayaa goor dhawayd dil iskugu gaystay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Warar rasmi ah oo ay shabakada caalamiga ah ee Wardoon heshay ayaa xaqiijiyey in laba askari oo ka mid ah ciidamada somaliland ay rasaas isku waydaarsadeen agagaarka xanaanada TB-da ee degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, rasaastaas ayaa keentay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac culus oo uu u geeriyooday soo gaadho, halka askarigii kalana ka baxsaday goobtii uu dilka ku gaystay.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay inaan wali gacanta lagu dhigin askariga dilka gaystay, waxaana askariga la dilay lagu magacaabi jiray Ina Daadays, halka askariga dilka magaciisa lagu soo koobay Dacar.

Taliska guud ee ciidamada qaranka somaliland ayaan ilaa hada ka hadal falkan dhacay, iyada oo maydka askariga dhintayna la geeyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.