Askari Mareykan ah oo isku hor gubay safaarada Israa’iil

165

Askari katirsan ciidamada Mareykanka ayaa isku hor gubay safaarada Israa’iil ku leedahay magaalada Washigton ee caasidamadda dalka Mareykanka, waxaana askariga is gubay soo gaartay waxyeelo xun.

Aaron Bushnell, oo 25 jir ah kana mid ahaa ciidamada Mareykanka ayaa Axadii isku hor gubay safaarada Israa’iil ee ku taalla magaalada Washigton, waxaana askarigan oo dhaawac culus soo gaaray loola cararay isbitaal xaaladiisa lagula tacaalayo.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warantay in askariga is gubay uu aad uga carreesnaa xasuuqa Israa’iil ka wado magaalada Gaza, waxaana markii uu is gubayay ku dhawaaqayay ”Falastiin oo xur ah”.

Askarigan is gubay ayaa la sheegay in uu aad uga xumaa dhibaatada Israa’il ku heyso shacabka Falastiin, waxa uuna sheegay in uusan qeyb ka noqon karin xasuuqa loo geesanayo shacabka Falastiin aadna uga xun yihiin dhibka dadkaasi heesta.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN