Askarigii dhawaan dilka u geystay Taliyihii Saldhigga Booliiska Xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa, Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, ayaa saaka lagu xukumay dil toogasho ah.
Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday askari aan la magac-dhabin, kaasoo dhawaan midi ku dilay gaashaanlaha oo ahaa taliyihiisa. Sidoo kale, nin kale oo falkaas lug ku lahaa ayaa lagu xukumay ciqaab xabsi ah.
“Maxkamaddu waxay caddeysay in dambi dhacay, nin kastana lagu helay danbiga loo haystay. Dambiilaha koowaad waxa lagu xukumay dil toogasho ah, halka eedaysanaha labaad lagu xukumay 13 sano oo xadhig ah,” ayuu yidhi garsooraha maxkamaddu.
Garsooruhu wuxuu sheegay in labada nin ay qirteen dambiyada ay geysteen, isla markaana ay maxkamaddu dhagaysatay afar markhaati iyo baadhihii kiiska, sidaas darteedna ay caddaatay in ay geysteen falalka loo haysto.
Baryahan dambe, Somaliland waxaa kordhay dilalka, iyadoo labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ilaa afar qof lagu dilay middi, waxaana badankooda la qabtay dadkii falalkaas geystay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in dilalkan oo dhammaantood la sheegay in lagu fuliyay middi aanay ahayn dilal abaabulan, balse ay ahaayeen falal ay geysteen dad ujeedooyin kala duwan leh.