Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd magaalada Muqdisho kusoo bandhigay qeyb kamid ah askartii maanta jirdilka ka gaystay xaafadda Siinaay.
Falkaasi oo si weyn loogaa carooday ayaa waxay askartan kula kaceen oday waayeel ah oo kamid ah shacabka ku dhaqan xaafadda Siinaay oo ay weli ka socoto burburin ay ka waddo dowladda Soomaaliya.
Askartan ayaa qeyb ka ahaa ciidan saaka mar kale lagu arkay aagga Siinaay, iyadoo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan Aabe waayeel ah iyo hooyo ay si xun u garaacayaan ciidamada, iyaga oo ula dhaqmay si naxariis la’aan ah,
Taliska gobolka Banaadir oo soo xiray askartaan kadib markii uu baahay muuqaalkooda, ayaa waxay kusoo bandhigeen talidka warta nabadda ee magaaalada Muqdisho.
Raggan ayaa dhan illaa shan xubnood, kuwaas oo ka kala tirsan ciidanka booliska iyo kuwa hay’adda abad-sugidda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano dharcadka.
Booliska ayaa sidoo kale u yeeray Aabe Sheekh Axmed Siicow Maxamed oo raalli-gelin ka siiyay falkaan, iyadoo warbaahintana uu kula hadlay saldhiga warta nabadda oo lagu soo bandhigay raggaan.
Si kastaba, baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaalada, waxaana kasoo muuqday Aabe Sheekh Axmed Siicow Maxamed oo dhawaan ka qayb-galay shirkii Madasha Samatabixinta ee hoteel Jasiira, kaas oo ay jirdil xoogleh kula kaceen ciidamada ku sugan Siinaay.
Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay falcelin xooggan, waxaan durbadii qaylo dhaan ka soo saaray xubnaha mucaaradka oo cambaareeyay sida loogu xadgudbay reer Siinaay.