Aston Villa Oo Xasuuqday Liverpool +SAWIRRO

1736

Kooxda Liverpool ayaa guuldaro weyn oo lama filaan ah kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Villa Park kana tirsan horyaalka premier Leageu.

Kulanka ayaa ah mid ay Liverpool soo bandhigtay qaab ciyaareedkeedii ugu xumaa muddo sanado ah iyaga oo sidoo kale sameeyay khaladaad dilaa ah oo dhanka daafaca ah.

Kooxda Aston Villa ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo khal-khal galiyay daafaca kooxda Liverpool bilowgii ciyaarta.

Daqiiqadii 4-aad ayay Aston Villa Dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ollie Watkins kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Isla xiddiga Ollie Watkins oo ahaa xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta ayaa daqiiqadii 23-aad dhaliyay goolka 2-aad ee Aston Villa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Laakiin Liverpool oo bilowday in ay maamusho ciyaarta ayaa daqiiqadii 33-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Laakiin Aston Villa ayaa daqiiqadii 35-aad sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga John McGinn kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Ka hor intii ayna ciyaartu dhamaan qaybta hore ayay Aston Villa dhalisay goolka ciyaarta dilay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ollie Watkins kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool soo bandhigtay qaab ciyaareedkoodii ugu xumaa ee premier League muddo sanado ah.

Qaab ciyaareedka Liita ee Liverpool ayaa sii watay qaybtii dambe iyaga oo sii waday khaladaadka daafaca iyo dhanka Goolhayaha.

Daqiiqadii 55-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka 5-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ross Barkley kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/1.

Mohamed Salah Ayaa daqiiqadii 60-aad dhaliyay goolka 2-aad ee Liverpool isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay wali Aston Villa ku hogaaminayso.

Aston Villa ayaa sii wadatay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa iyaga oo daqiiqadii 66-aad dhaliyay goolkii 6-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jack Grealish kaas oo ciyaarta ka dhigay 6/1.

Jack Grealish ayaa daqiiqadii 75-aad mar kale soo laabtay isaga oo dhaliyay goolkii 7-aad ee kooxdiisa Aston Villa isaga oo ciyaarta ka dhigay 7/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Aston Villa Xasuuq naxariis daraan ah kula kacday kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Liverpool.