Atletico Madrid Oo Barcelona Dhabarka U Saartay Guuldaro Xanuun Badan+SAWIRRO

1714

Kulan xiiso leh ayaa ka dhacay garoonka Metropolitano Stadium kaas oo dhexmaray kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Qaybta hore:

Kulanka ayay labada kooxoodba ku bilowdeen si fiican iyaga oo is dhaafsanayay fursadaha iyo weerarka ay k doonayeen goolal.

Xitaa waxa 10-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ee ciyaarta dhacday laba fursad oo cajiib ah oo ay labada kooxodba ku tijaabiyeen goolka iyo nasiib kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa kulankan u muuqatay kuwo ka dhibaatoonaya dhanka cadaadiska iyaga oo aan ciyaarin kubad orod ah marka ayna kubada haysan.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa ahayd waraabayaal marka ay Barcelona kubada haysto iyaga oo isla markiiba doonayay in ay ka qaadaan Kubada.

Labada kooxood ayaa si weyn iskula dhibaatooday iyada oo koox walba dhankeeda uga go’nayd in ay soo taabtaan shabaqa kooxda kale.

Atletico Madrid ayaa Barcelona u ogolaatay in ay hayato kubada waliba maamusho kubada laakiin iyagu doonayay in ay ciyaaraan weeraro rogaal celis ah.

Xilli ay arimuhu u muuqdeen kuwo bar-baro ku dhamaanaysa qaybta hore ee ciyaarta ayay wax walba is badaleen ka hor intii uuna garsooruhu dhamayn qaybta hore.

Daqiiqadii 45+3-aad ayay Atletico Madrid dhalisay goolka kadib markii uu Goolhayaha Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen sameeyay khalad dilaa ah.

Marc-Andre ter Stegen ayaa soo baxay si uu kubada uga taabtao xiddiga Atletico Madrid ee Yannick Carrasco laakiin nasiib xumo wuu ka taaban waayay waxana uu Yannick Carrasco helay gool madhan sidaasna ku dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona maamulaysay ciyaarta laakiin Atletico Madrid hogaaminayso natiijada.

Qaybta Dambe:

Kooxda Atletico Madrid oo looga bartay in ay yihiin kooxaha ugu difaaca adag ayaa helay wixii ay doonayeen oo ahayd in ay kaliya gool ku hor maraan si ay difaaca u xidhaan.

Maya.. sidaas ma dhicin.. Atletico Madrid ayaa la filayay in ay daafaca xidhato qaybta dambe laakiin ma samayn sidaas waxana ay sii wadeen in ay ciyaaraan kubado weerar rogaal celis ah.

Kooxda Atletico Madrid ayaa sii waday in ay qaado weeraro halka Barcelona wayday xal ay ku dhaafto daafaca Atletico Madrid oo ahaa mid bir ah.

Kooxda Barcelona ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 62-aad kadib markii uu daafaca Barcelona ee Gerard Pique u muuqday mid soo gaadhay dhaawac halis ah ciyaartana ka baxay.

Barcelona ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta laakiin Atletico Madrid ayaa sidii caadada u ahayd dib u guratay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta iyaga oo daafac galay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Atletico Madrid sidaas ku gaadhay guul qiimo leh oo ay ka gaadhay kooxda Barcelona markii ugu horaysanay garoonkeeda Metropolitano Stadium kaga badisay Barcelona.