Taliska howlgalka cusub ee AUSSOM ayaa war kasoo saaray horumarka laga gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna taliska soo dhaweeyay isku soo dhawaanshaha Muqdisho iyo Addis Ababa oo heshiis gaaray.
Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AUSSOM, Mohamed El-Amine Souef oo ka hadlay isbeddalka ku yimid xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dowladood ee dariska ayaa bogaadiyay in ugu dambeyn ay soo afjareen khilaafkii muddada u dhexeeyay.
Mohamed El-Amine ayaa shaaca ka qaaday in tani ay xaqiijineeyso in lasii wado ka miro dhalinta qodobadii labada dal ay ku heshiiyeen, kadib shirkii ka dhacay magaalada Ankara.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, horumarinta isdhexgalka dhaqaale, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah horumarinta nabadda gobolka iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Waxaa kale oo uu danjiruhu xusay in howlgalka AUSSOM ay ka go’an tahay in uu taageero dadaallada xasilinta Soomaaliya iyo iskaashiga gobolka, si waafaqsan rabitaanka dadka Soomaaliyeed iyo aragtida Midowga Afrika ee nabad iyo barwaaqo Afrika ah.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalin kahor dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in xiriirkoodii ay dib u soo celiyaan, si meesha looga saaro xiisaddii ka dhalatay heshiiskii bedda ee uu horraantii sanadkii hore Abiy Axmed la galay maamulka Somaliland.
Si kastaba, Itoobiya ayaa iyaduna haatan qorsheneysa inay ka mid noqota howlgalka cusub ee AUSSOM oo sanadkan 2025, si rasmi ah uga bilowday gudaha Soomaaliya.