Axmad Madoobe oo Boosaaso u Baxay

1853

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbadalnd mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa u anba baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxwaynaha ayaa la filayaa in uu magaalada Boosaaso kulamo xasaasi ah kula yeelan doona saaxiibada beesha caalamka oo la filayo in ay yeeshaan wadahadallo lagaga tashanayo doorashooyinka la filayo in ay dalka ka qabsoomaan gabagabada sanadkan ilaa bilawga sanadka inagu soo aadan ee 2021.

Madaxwaynaha iyo masuuliyiinta uu Boosaaso kula kulmayo ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay gorfeeyaan khilaafka ka dhex taagan xukuumadda federaalka dalka iyo maamuul goboleedyada iyo xal u raadinta khilaafkan.

Waxaa magaalada Boosaaso saaka ka socoda qabanqaabada soo dhawaynta madaxweynaha Jubaland waxaana la filayaa in madaxwaynaha ay halkaa ku soo dhaweeyaan madaxweynaha Puntland iyo xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Puntland.