Axmed Karaash oo maanta tagaya Muqdisho

1648

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta safar ku tegaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Axmed Karaash oo ay weheliyaan xubno katirsan golayaasha Puntland ayaa Muqdisho kaga qaybgeli doona aas qaran oo loo samayn doono ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallaydh oo dhowaan Jigjiga ku geeriyoodey.

Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya, ehelada marxuumka iyo qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa ka qayb geli doona aaska marxuum Cali Khaliif Gallaydh.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya soona noqday madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Gallaydh ayaa maalin kahor ku geeriyoodey magaalada Jigjiga kadib xanuun ku soo boodey laguna sheegay Corona.