Axmed Madoobe iyo Aadan Madoobe oo kulmay+SAWIRRO

689

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa salaan iyo Hambalyo ugu tagay Gudoomiyaha Cusub ee golaha shacabka BJFS Mudane Sheikh Aadan nuur Maxamed (Aadan Madoobe) oo dhawaan ku guulaystay xilka Gudoomiyaha golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha ugu hambalyeeyay xilka Cusub ee loo doortay isagoo la wadaagay Sida shacabka Jubaland iyo Bulshada Soomaaliyeedba ay ugu riyaaqeen doorashadiisa.

Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu Gudoomiyaha uga mahad celiyay go’aanka lagu fasaxay Xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Jubaland si dadka gobolka gedo ayna uga harin doorashooyinka guud ee dalka.