Axmed Madoobe oo 30 Askari latagay Dhuusamareeb +SAWIRRO

2411

Waxaa goordhow magaalada dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ka degtay diyaarad khaas ah oo wadday ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo isaguna saacadaha soo socda gaari doona magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadaan oo gaaraya 30-askari aadna u qalabaysan ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb waxaana soo dhaweyn u sameeyay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug iyada oo la sheegay in lagu wareejiyay gaadiid ciidan oo gaar ah.

Ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku biiraya ciidamo kale oo ilaalo u ah madaxweynaha Puntland kuwaas oo iyaguna xalay gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ah labada madaxweyne ee ilaalada u khaaska ah ee aadka u hubeysan iskagasoo hoemariyay magaalada ka hor inta uusan furmin shirka.

Masuuliyiintaan ayaa horay uga dalbaday madaxweynaga Galmudug oo gogosha fidiyay in ciidamada gaarka u tababaran ee Haramcad in uu ka saaro Dhuusamareeb,iyada oo ku dhawaad 200 oo ka mid ah ciidamadaas lagasoo dada gureeyay.