Axmed Madoobe oo dalacsiiyey Taliye diiday inuu lasaqeeyo Fahad Yaasiin

1897

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Degmada Afmadow Gaashanle Mahad Islaam u dalacsiiyay darajada Gaashanle dhexe.

Madaxweynaha oo kulan gaar ah la qaatay Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ee ku sugan Degmada Afmadow ayaa uga mahad celiyay shaqada adag ee ay u hayaan shacabka iyo nabadgalyada ay deegaankaas kusoo dabaaleen.

War kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Gaashanle dhexe Mahad Islaam uu iska diidey afganbi la doonayay in lagu minjo xaabiyo nabadgalyada Degmada Afmadow taas oo Dowlada Federaalka ah ay la damacsan tahay meelo badan oo dalka kamid ah.