Axmed Madoobe oo dalbaday in gacantiisaa lagusoo celiyo Gedo

1474

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dalbaday in gacanteeda lagusoo celiyo maamulka gobolka Gedo, oo uu sheegay in 10 bilood ka hor la wareegeen ciidamada dowladda federalka Soomaaliya.

Jubbaland waxay ka digtay in dowladda federalka iska indho tirto baaqeeda ku aadan in ciidamada dowladda lagasoo saaro Gedo, loona ogolaado in hay’addihii dowliga Jubbaland ay dib ugu laabtaan.

Jubbaland ayaa horey u sheegtay in ay ka qeybgalidoonin hannaanka doorashada, iyadoo dowladdu federalku aysan fulin ciidamadii lagu heshiiyay in lagasoo daabulo gobolka Gedo.