Axmed Madoobe oo diday go’aanadii laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

140

Maamulka goboleedka Jubbaland ayaa si adag uga horyimid qodobadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga Qaranka ee Xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Warsaxafadeed kasoo baxay Jubbaland ayay ku qaadacday muddo kororsiga halka sano ee loo sameeyay madaxda maamul goboleedyada dalka.

Jubbaland waxay sheegtay in doorashadeeda ay u madax banaan tahay ayna qabsan doonto xiligeeda, waxayna ugu baaqday Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in la ilaaliyo Dastuurka iyo xeerarka u yaala dalka.

Warsaxafadeedka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in heshiiskii horey u gaareen golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah inuu fashilmay, maadama aan la xureyn deegaanada ay wali haystaan Al-shabaab.

Warsaxafadeedkaan ka soo baxay Jubbaland ayaa ku soo aadaya, iyadoo warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka lagu go’aamiyay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah, islamarkaasna la isku raacay in bisha Septembar ee sanadka soo socda la qabto doorashada Maamul Goboleedyada dalka.

Hoos ka akhriso Wasaxafadeedka Jubbaland oo dhameystiran:-