Axmed Madoobe oo diiday in Baarlamanka lahorgeeyo heshiiski doorashooyinka

1918

Madaxweynaha maaamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay hehsiiskii doorasho oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in go’aanadii ay Madaxdu gaareen kaliya uu aha heshiis, balse aysan aheyn xeer, isaga oo u muuqday mid ka jawaabayay hadalkii Madaxweyne farmaajo ee ahaa in heshiiska doorashada la horgeyn doono Golaha Shacabka.

“ Waxaad ogaataan in heshiiskaas uusan xeer aheyn balse uu yahay xalka ugu dambeeya ee aan isla aragnay oo doorasho lagu geli karo, una baahneyn in la ansixiyo ayuu yiri” Axmed Madoobe.