Axmed Madoobe oo diyaariyay Liiska Musharaxiinta Aqalka sare

1360

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lagu soo waramayaa in uu gacanta ku hayo liiska musharaxiinta u taagan 8-da xubnood ee aqalka sare ku leeyihiin maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa in uu kulan gaar ah la qaato Guddiga doorashada Heer federaal uu hogaaminayo Gudoomiyaha guddigaasi oo shalay gaaray Kismaayo kadibna ku wareejiyo liiska musharaxiinta u tartameysa kurtaasta aqalka sare.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxweynaha Jubbaland ayaa laga soo xigtay in Axmed Madoobe diyaariyay liiska musharaxiinta oo u badan kuwa isagu siyaasad ahaan taageersan yahay kuwaa uu mar kale la rabo in ay kusoo baxaan doorashada Aqalka sare.

Jubbaland ayaa la qorsheeyay in ay noqoto meesha ugu horeysa ay ka bilaabaneyso doorashada Xubnaha aqalka sare , waxaana guddiga doorashada Jubbaland ku matalaya horey u shaaciyeen in 25-ka bishan oo maanta ku beegan doorashada qaban doonaan.