Axmed Madoobe oo galabta dib ugu laabtay Kismaayo+SAWIRRO

1695

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa galabta dib ugu laabtay Caasimada KMG ah ee Jubbaland kaddib todobaad uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, halkaasoo uu wada hadalo kula lahaa madaxda dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka labaad, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo odayaasha dhaqankaa.

Shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha ayuu kaga hadlay safarkiisa Muqdisho iyo inuu u tagay howlo la xiriira sidii loo dhameyn lahaa khilaafka iyo mad madowgii u dhaxeeyay Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in booqashadiisa ay jawaab u ahayd Safarkii uu dhawaan Ra”iisul Wasaarahu ku yimid Kismaayo, isla markana wada hadalo dheer oo la galay si fiican ay ku soo dhamaadeen, isagoo intaas raaciyay in booqashadiisu ay aheyd mid Taariikhi ah oo loo baahna dhamaan kulamadii dhacayna ay guul kusoo dhamaadeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhammaan dhinacyada ay saaran tahay mas’uuliyad sidii wixii lagu balamay loo dhaqan galin lahaa wakhti dalku xaalad adag uu ku jiro oo dagaalka argagixisadu uu dabo dheeraaday dadkuna xaalad adag ku sugan yihiin, lagana shaqeeyo danta shacabka iyo hormarka dalka sida uu yiri.

Wada hadaladii Muqdisho ku dhex maray Axmed Madoobe iyo Madaxda dowladda ayaa wax war ah laga soo saaran, waxaana la sheegay in mudadii todobaadka aheyd ee uu Muqdisho ku sugnaa ay labo jeer kaliya is arkeen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo, halka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Kusimaha Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ay si gaar gaar iyo si guudba isku arkeen.