Axmed Madoobe oo isku dhiibay Itoobiya

54

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa si toos ah ugu xirtay dowladda Itoobiya oo xilligan khilaaf culus oo ka dhashay heshiiskii badda uu kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo dhaliyay xiisad diblumaasiyadeed oo wayn.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiil sar sare oo ka socota Itoobiya ay Sabtidii shalay diyaarad milatari ku tageen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, halkaas oo ay wada-hadallo gaar ah kula leeyihiin madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa casuuntay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo isna gaaray caasimada dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana diray Axmed Madoobe si uu wada-hadalo ula soo yeesho hoggaanka sare ee waddankaasi.

Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa nooca taageerada ay xilligan Itoobiya siineyso dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay wajaheyso dagaal uga imaanayo dhinaca dowladda oo ka hortimid dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe.

Itoobiya ayaa u muuqato inay ka dhex faa’iideysaneyso khilaafka labada dhinac, waxaana horay ciidamo badan ay usoo gelisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo kuwaas oo saldhigtay degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beledxaawo ee gobolkaasi.

Dowladda Federaalka oo ka war heshay qorshahan culus aya dhankeeda, si weyn u cambaareysay dhaq-dhaqaaqa Itoobiya, waxayna ku eedeysay inay ciidamo kusoo daabuleyso gudaha dalka, ayna iska horkeeneyso qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Si kastaba, xiisadda ayaa u muuqata inay weji cusub yeelaneyso oo arrintu ay dagaal ku socoto, maadaama weli dowladda dhexe ay ciidamo ku daabuleyso deegaannada Jubbaland.