DAAWO:-Axmed Madoobe oo ka digay Dagaal Sokeeye+SAWIRRO

1626

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Garowe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uga socday garowe.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale iyadoo soo dhawayn kadib Madaxweynahu uu Saxaafada kula hadlay Aqalka Madaxtooyada.

Waxaa uu sheegay in shirkii Garowe dirada lagu saarayay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Arimaha Siyaasada iyo sidii siyaasada wadanka salka loogu dhigi lahaa, isla markaana loo soo afjari lahaa kala fikir duwananta jirtay, balse aysan madaxda Dowlada Federaalku arintaas diyaar u ahayn taasna ay sababtay in shirku uu Natiijo la’aan ku dhamaado.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa tilmaamay in dib u eegista Dastuurka iyo qaabka loo wado oo aan ka turjumaynin maslaxada dalka ay qayb ka ahayd wada hadalada, basle aysan dhicin in heshiis rasmi ah laga gaaro, iyadoo madaxda Dowlada Federaalku ay ka cago jiidayeen.

“Dastuurka dib u habayntiisa waa arrin ka wada dhaxaysa Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada lakiin ay madaxda Federaalku u arkeen wax iyaga kaliya ay ka go’aan gaari karaan”ayuu yiri Axmed madoobe

Mar uu ka hadlayay Arrimaha Doorashooyinka dalka ayuu xusay in aysan Dowlada Federaalku ahmiyad badan u haynin, iyadoo ay ka baxday heshiiskii Baydhabo ee qaybsiga khayraadka iyo heshiiskii laga gaaray arimaha doorashooyinka isla markana aanay jirin wax heshiis lagu yahay oo la xiriira doorashooyinka 2020-ka lagu waday in ay dalka ka dhacaan.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu xusay in aan hal maalin ah lagu daraynin doorashooyinka Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada isla markana wararka been abuurka ah ee la xiriira in Jubbaland iyo Galmudug ay doonayaan wakhti kororsi ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo shacabka lagu marin habaabinayo.

Arimaha Amniga wuxuu xusay Madaxweynahu in aan heshiis lagu ahayn sidii dalka looga xorayn lahaa Al-Shabaab isla markana cid walba ay masuuliyad ka saaran tahay sugida amniga deeganadeeda maadama Dowladii Federaalku ayna diyaar u ahayn la dagaalkanka Argagixisada isagoo xusay in dhamaan Heshiisyadii la xiriiray Amniga ay Dowladu dhinac martay.

gaba gabadii Madaxweynahu wuxuu shacabka Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay ilaaliyaan oo nabada ay haystaan ay ku fara adaygaan Dowlada Federaalkuna ay qorshaynayso sidii dagaalo sokeeye deegaanka ay uga dhici lahayeen taas oo dib u dhac weyn ku keenaysa hormarka ay hiigsanayaan iyo Dowladnimadooda,

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shaqsiyaad Hoteelo Xamar ku yaala lagu biilo lagu dhiiri galinayo sidii xabad ay uga ridi lahayeen Jubbalan iyadoo looga gol leeyahay carqaladayda Doorashooyinka iyo Dowladnimada Jubbaland ee u baahan sii taaba galinta iyo in aan dib loo celin wuxuu sheegay in cid walba nabadgalyada ay masuuliyad ka saaran tahay

Ugu dambeyn Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug ayaa noqday Madaxdii u horeysay ee Maamul Goboleedyada ee isaga soo taga Garowe, kaddib markii Shirkii maalmahan socday uu ku dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin qodobadii laga doodayay.