Axmed Madoobe oo ka hadlay wadahadalada u bilaawday dowladda Federaalka & Jubbaland

1541

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay yimaadeen gurigoodii oo aanay marti ku ahayn wuxuu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin imaatinkooda halkan.

Waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in xiriirka iyo booqashada madaxda ugu saraysa DFS ay ku yartahay Dowladaha xubnaha ka ah JFS taas oo gaabis ku ahayd mudooyinkii ugu danbeeyay wada hadalo ayuu sheegay in ay dhici doonan kuwaas oo dhamaan arimaha jira lagaga hadli doono.

Madaxda ayaa loo galbiyay Magaalada Kismaayo iyadoo Aargada Kismaayo ay kula hadleen boqolaal dadweynaha Magaalada ah oo halkaas isugu soo baxay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay tahay guul weyn oo nabadgalyada iyo Dowladnimadu ay sababeen in dadkan ay qoraxda u yimaadeen si ay u dhagaystaan madaxdooda.

Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre uu Maanta ku tagay Magalada Kismaayo ayaa u muuqda mid soo afharaya khilaafkii Siyaasadeed ee u dhaxeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.