Axmed Madoobe oo Kenya tagay

31

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka ka safray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isaga oo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu diyaarad qaas ah ka qaaday Kismaayo, taas oo uu ku tegay Kenya oo ay booqasho uga bilaabatay.

 

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland uu Nairobi ka bilaabi doono kulamo xasaasi ah oo uu la qaadan madax ka tirsan dowladda Kenya, isaga oo kala hadli doono arrimaha Jubbaland iyo caqabadaha adag ee ku geedaamay maamulkaas oo ay xayiraad kusoo rogtay dowladda dhexe, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

 

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa inta uu magaalada Nairobi jooga qaabili doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Jubbaland, isaga oo la wadaagi doono warbixin ku aadan xaaladaha bani’aadanimada ee ka jira Jubbooyinka iyo Gedo ee haatan kasii daraya.

 

Waxaa kale qorshaha Axmed Madoobe qayb ka ah inuu Kenya kula shiro safiirada caalamka ee jooga magaalada caasimada ah ee Nairobi, si uu ula macaamilo, maadaama ay dhowaan Jubbaland ku dhawaaqday inay si gooni ah ula xaajooneyso xubnaha beesha caalamka.

 

Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay safarka Axmed Madoobe, maadaama uu yahay kiisii ugu horreeyay oo uu uga baxo magaalada Kismaayo, kadib dib u doorashadiisii oo ay diiday dowladda dhexe ee Soomaaliya, kadibna xayiraad kusoo rogtay isaga iyo maamulkiisa.

 

Kenya oo ah dalka uu u dhoofay Axmed Madoobe ayaa xiriir xoogan la leh Jubbaland oo ay xuduud dheer wadaagaan, sidoo kalena ciidamadooda ay joogaan halkaasi, taas oo lala xiriirinayo inay soo dadajisay safarka uu ku gaaray Nairobi.

 

Si kastaba, Kenya ayaa horay isugu deyday inay dhex-dhexaadiso Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo wafdi usoo dirtay Muqdisho iyo Kismaayo, balse wax natiijo ah kama soo bixin iyadoo arrintu faraha ka baxday dagaal toos ahna ay isku rogtay.