Axmed Madoobe oo Oo Ciidamo Farabadan Geeyay Ceelwaaq +SAWIRRO

676

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo khamiis ah Ciidamo farabadan oo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska Jubbaland geeysay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Diyaaraddo sidday Ciidamada Jubbaland ayaa duhurnimadii Maanta ka degay Garoonka diyaaradaha Ceelwaaq, waxaana la geeyay Saldhigyo loogu tala-galay in la dejiyo, iyagoona sidoo kalena gudaha Magaalada ka sameeysan doona farriisamayaal cusub.

Ciidamadan gaaray Ceelwaaq ayaa waxaa hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Amniga  Maamulka Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, isla markaana waxaa socdaalka ku wehlinaayey mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidan, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Ciidamada Jubbaland ee Maanta gaaray Ceelwaaq ayaa loogu tala-galay inay sugaan amniga doorashada 16 kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo lagu qabanayo Magaaladaas, kadib markii laga soo wareejiyay Magaalada Garbahaareey.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee ku harsan Jubbaland lagu qabto Ceelwaaq, waxaana halkaas tegaya Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo kuwa Jubbaland, Musharaxiin iyo xubno kale.