Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku amray laamaha ammaanka inay keenaan baaritaanka dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Al-Shabaab ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa uu dhammaan laamaha ammaanka ee maamulkiisa ku amray inay dardargeliyaan howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo baaritaan dheeri ahna ay ku sameeyaan falkii lagu diley guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo amaanay.
Ugu dambayntiina madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa uu sheegay inay sii socon doonaan howlgallaada ammaanka lagu xaqiijinayo ayna ciidanku Alshabaab ka xorayn doonaan deegaamada ay ka soo duulaan.
Qof naftiisa biimeeyey ayaa maalinimadii shalay magaalada Kismaayo ku diley ilaa 4 ruux oo uu kujirey guddoomiyihii rugta ganacsiga ee deegaamada Jubbaland Marxuum Shaafi Raabi Kaahin oo xilligaasi masaajid ka soo baxay.