Axmed Madoobe oo si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo+SAWIRRO

293

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo katirsan labada gole ee Jubaland ayaa goordhaw gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed.

Wafdiga madaxweynaha Jubbaland waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo si weyn ugu soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo masuuliyiin kale.

Axmed Madoobe ayaa u tagay magaalada Baydhabo ka qeyb galka shirka golaha wadatashiga Qaran oo goordhaw la filayo in magaalada Baydhabo si rasmi ah uga furmo, waxaana shirkan ka qeyb galaya madaxda maamulada iyo madaxda Dowladda .

Shirka wadatashiga Qaran ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.