Axmed Madoobe Oo Soo Gaaray Muqdisho +SAWIRRO

267

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Goor dhow soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana siwey loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Axmed Madoobe  ayaa waxaa Garoonka uga hortegay oo kusoo dhaweyay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro iyo xubno ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisal Wasaaraha.

Ujeedka Madaxweynaha Jubbaland ee Muqdisho ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shir uu isugu yeeray Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isugu yeeray Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka.

Shirka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda maamulada ayaa waxaa looga arrinsadan doonaa arrimo ay ka mid yihiin abaaraha, dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo sidii loo xallin lahaa tabasho ay qabaan qaar kamid ah Madaxda.

Madaxweyneyaasha kale ee maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug ayaa la filayaa inay iyaguna Maanta soo gaaraan Magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka oo maalmaha soo socda ka furmaya Caasimadda dalka.

Shirkaan ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen Wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii Wasiirada ay heshiin waayeen.