Axmed Madoobe oo u tagay Rooble +SAWIRRO

907

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta sanad kadib, gudaha u galay xarunta Villa Soomaaliya, isaga oo kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Ibraahim Macallimuu oo qoraal kooban ka soo saaray booqashada Axmed Madoobe ee Madaxtooyada ayaa yiri “Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maanta soo gaaray Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ugu dambeysay dhamaadka September 2020 markii hishiiskiisa 17 September la gudagaliyay dhaqan galkiisa. Waxaa xafiiskiisa ku qaabilay RW Rooble,”

Sidoo kale labada dhinac ayaa kulan saacado badan qaatay ku yeeshay xafiiska ra’iisul wasaaraha, iyaga oo ka arrinsaday xaaladda dalka iyo doorashadii soo dhammaatay.

“Waxa ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guushah ku soo dhammaaday,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo sidoo kale kulanka ka hadlay ayaa Rooble uga mahad-celiyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.

Kulankan ayaa u muuqday mid dabaal-deg ah iyo sidoo kale is marxabeyn, kadib guushii doorashada Soomaaliya iyo go’aankii laga gaaray doodii xildhibaanada gobolka Gedo, maadaama guddoomiyaha Baarlamaanka oo meel mariyey xubnihii kasoo baxay Ceelwaaq.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa maalmihii u dambeeyey ka waday Muqdisho abaabul ku aadan qorshe uu ku wajahayo gobolka Gedo oo gacantiisa ka maqan, wuxuuna doonayaa, isaga oo kaashanaya saaxibadiisa in dowladda cusub ay ciidamada kasoo saarto gobolkaasi.

Soomaaliya ayaa haatan ka gudubtay xaaladdii adkeyd iyo is mariwaaga taagnaa, kadib isbedalka ku yimid hoggaanka Villa Somalia oo mar labaad loo doortay Xasan Sheekh.