Axmed Madoobe oo weeraray mid kamid ah musharaxiinta Kismaayo joogta

122

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka qarxay gudaha magaalada Kismaayo, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland iyo ilaalada mid kamid ah musharixiinta ku sugan magaaladaasi.

Dagaalka oo daqiiqado socday ayaa hadda istaagay, wuxuuna si gaar ah uga dhacay aagga hotel AGAN ee ku yaalla bartamaha Kismaayo, kadib markii musharraxa oo lagu magacaabo Ilyaas Beddel Gaboose iyo ilaaladiisa loo diiday inay gudaha u galaan hoteelka oo uu ka socdo dhaq-dhaqaaq la xiriira doorashada.

Ilyaas Beddel Gaboose oo sidoo kale ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ayaa dhowaan Kismaayo uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland, wuxuuna kamid yahay xubnaha sida wayn uga soo horjeedo Axmed Madoobe.

Ciidanka Jubbaland ayaa lasoo wariyay in ay dhaawaceen mid kamid ah askarta ilaalada ee musharraxa Gaboose, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu gaystay khasaare kala duwan, oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana magaalada Kismaayo laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeya mucaaradka iyo ciidanka Axmed Madoobe.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Jubbaland iyo dhinaca musharixiinta mucaaradka oo ku aadan gacan ka hadalka ka dhacay halkaasi.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Kismaayo ka socoto doorashada Jubbaland oo uu muran xoogan ka taagan yahay, waxaana loo ballansan yahay in madaxweynaha lasoo doorto 25-ka bishaan, iyada oo ay u badan tahay inuu isku caano shubo Axmed Madoobe.