Axmed Madoobe oo xilkii ka qaaday C/rashiid Janan

1166

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xilkii waxaa uu ka qaaday Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa lagu shaaciyay xilka qaadista Wasiirkii Amniga, hayeeshee aan lagu faah fahin sababaha keenay xilka qaadista.

Warqadda xilka qaadista Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa waxaa ay soo baxday 20kii Bishaan, hayeeshee ugu dambeyn Maanta Madaxtooyada Jubbaland ay shaacisay.

24-kii Saacadood warar soo baxayay ayaa sheegayay in Wasiirkii Amniga Cabdirashiid Janan uu wada-hadallo & heshiis la galay dowladda Soomaaliya, iyada oo arrintaasi ay keentay in Madaxweynaha Jubbaland uu xilka ka qaado.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada xilka qaadista Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland.