Axmed Madoobe oo xiriirka u jartay DF ee Soomaaliya

128
AXMED MADOOBE
AXMED MADOOBE

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa gebi ahaan xiriirkii loogu jaray dowladda federaalka Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay hakisay wada-shaqeyntii ay la laheyd dowladda dhexe, iyada oo ku eedeysay inay jabisay dastuurka dalka.

Sidoo kale Jubbaland ayaa shuruud ku xirtay illaa inta ay dowladda dhexe uga soo noqoneyso dastuurka, una ixtiraameyso rabitaanka shacabka Jubbaland.

Dowladda Jubbaland waxay caddeyneysaa inay hakisay xiriirikii wada-shaqeyneyd ee ay la laheyd xukuumadda federaalka Soomaaliya inta ay uga hoggaansameyso dastuurka dalka, ixtiraameysana rabutaanka shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Go’aankan ayaa daba socda xiisadda u dhexeysa maamulka Axmed Madoobe iyo Villa Soomaaliya, kaas oo kasii dara 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kadib markii Jubbaland ay u dhaq-dhaqaaqday in si gaar ah u qabsato doorashadeeda.

Dowladda dhexe ayaa diiday guddiga doorashada ee uu xalay soo magacaabay Axmed Madoobe, waxayna intaasi ku dartay in aanay aqoonsan doonin doorashada Jubbaland.

Waa maamulkii labaad ee xiriirka u jaray dowladda federaalka, waxaana horay sidaan oo kale u baxay Puntland oo illaa iyo hadda uu khilaaf kala dhexeeyaa dowladda federaalka.