Axmed Madoobe sxbkiis oo noqday xildhibaankii ugu horeyayee lagasodorto Kismayo

932

Dr. Xamse Cabdi Barre ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee kamid ah Golaha Shacabka BJFS ee laga soo doorto Jubbaland, kaddib doorasho goor-dhaweyd ka bilaabtay magaalada Kismaayo.

Dr. Xamse Barre ayaa helay 69 Cod, halka Axmed Maxamed Maxamuud oo la tartamayey uu helay 17 cod, Waxaana halaabay 15 cod, sida ay ku dhawaaqeen Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee heer Jubbaland.

Dr Xamse Cabdi Barre ayaa soo noqday Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Jubbaland ee sanadkii 2019, taas oo mar kale uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).