Baaderi Faransiis ah oo lagu toogtay Lyon +SAWIRRO

1741

Baaderi ka tirsan mad’habka Orthodox-ka ee diinta Masiixiga ayaa toogasho lagu dhaawacay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.

Booliska ayaa sheegay in qofkii falkaa geystay uu goobta ka baxsaday.

Wasiirka arimaha gudaha Faransiiska, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku faafiyey ku sheegay in dhacdo halis ahi haatan dhacday, laakiin wax faahfaahin ah kama bixin.

Sida ay warbaahinta maxaliga ah sheegtay Falkan Toogashada ah ayaa dhacay qiyaastii 4-tii galabnimo wakhtiga Faransiiska, markaasoo wadaadku kaniisada xirayey.

Qof ka tirsan booliska oo wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay ayaa sheegay in ninka weerarka geystay sitay qori, waxaana la sheegay baaderiga dhaawaciisu yahay mid halis ah.