Baarista Wasiirkii Arimaha Dibada oo lasoo gabagabeeyay

609

Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay inay soo gaba-gabeeyeen baarista Markab sida dhuxul si sharci-darro ah looga raray Soomaaliya, kuna xayiran xeebaha dalka, kaas oo la sheegay in uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Cabdisiciid Muuse Cali.

Waraaq kasoo baxday 24 bishii May, Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu eedeeyay Wasiir Cabdisiciid Muuse Cali, sii deynta Markab sida dhuxul si sharci darro ah looga dhoofiyay Soomaaliya, kaas oo ku xayiran xeebaha dalka Cumaan, isagoo sidoo kale amray Hantidhowrka Guud ee Qaranka inay baaris ku sameeyaan Wasiirka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayna u gudbiyaan Hay’addaha Garsoorka.

Qoraal kasoo baxay Hanti-dhowrka Guud ayaa lagu xusay inay guteen waajibkoodii ku aadanaa baarista Markabka sida dhuxusha, ayna u gudbiyeen warbixinta macluumaadka ay aruuriyeen Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka.