Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo wax ka bedelay qodob kamid ah dastuurka

1370


Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabeelle ayaa Kulankooda 13aad Kalfadhiga 1aad oo uu shir Guddoominayey Kusimaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad Siraaji Sheikh Isxaaq oo ajandahiisu ahaa Dhameystirka Dooda Dib U eegista Dastuurka Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa ka qabsoomay Xarunta Baarlamanka ee jowhar

Xildhibaanada Baarlamanka oo tixraacaya soojeedinta iyo warbixinta Guddiga Dastuurka ayaa dood kayeeshay ilaa 5 qodob oo dib u eegistooda Baarlamanka la horkeenay

Ugu dambeyn xildhibaanada ayaa cod gacan taag ku ansixiyey Qodob kamid Qodobada ay kadoodeen oo ah In Masuulkii u hoggaansami waayo u yeerida Baarlamaanka ay xildhibaanada Xilkiisa dib u eegis ku sameeyan, waxaana Natiijada Codeynta ku dhawaaqay Kusimaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye kuxigeenka 1aadSiraaji Sheikh Isxaaq

Waxaa codeysay 60 Xildhibaan, waxaa ogolaatay 53 mudane, Afar ayaa diiday halka saddex ay ka aamuseen, waxaana Guddoonka ay sheegeen in auu ansax yahay.