Baarlamaanka oo u yaaray Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga

1615

Qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa laga dalbaday Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga & Taliyeyaasha Ciidamada inay Maalinta Sabtida ah ee soo socota hor-yimaadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada Amni ee dalka oo maalmihii la soo dhaafay aheyd mid aad u xun, iyada oo sidoo kale ay socdaan howlgallo baaritaano ah.

Dhawaan ayaa waxaa khilaaf ka taaganaa ka hadlida ajendaha ku saabsan Amniga dalka, hayeeshee Isniintii ay go’aamiyeen guddiga joogtada in Maalinta Sabtida ah lag hadlo,isla markaana Xildhibaanada ay hor-yimaadaan Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga.