Baarlamaanka Puntland oo mar labaad diiday xubno uu soomagacaabay Deni

399

Baarlamaanka Puntland ayaa diiday dib u magacaabista xubnaha Maxkmadda Sare ee Puntland, oo dhowaan ay u diideen Xildhibaanadu codka kalsoonida ah.

Kulan maanta ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayay cod gacan-taag ah ku diideen dib u magacaabista Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, 30 Xildhibaan ayaa u codeeyay diidmada dib u magacaabista xubnaha Maxkamadda Sare, 3 Xildhibaan ayaa aqbalay, halka ay ka aamuseen 7 Mudane.

Wareegto kasoo baxday isniintii Madaxweyne Deni, ayuu dib ugu magacaabay xubnaha Maxkamadda Sare, daqiiqado kaddib markii Golaha Wakiillada oo ay hortageen ay u diideen codka kalsoonida ah.