Baarlamaanka Somaliland oo diiday Xaaladii Deg Deg Ahayd ee lagusoorogay+VIDEO

1594

Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland (Guurtida/Wakiillada), ayaa saaka iskugu yimid fadhi aan Caadi ahayn oo lagaga doodayay xaalada deg-deg ah ee Madaxweyne Muusi Biixi Cabdi ku soo rogay degmooyin ka Ceerigaabo Ceelafwayn iyo Garadag oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Kulanka saaka waxaa ka soo xaadiray 107 xildhibaan, waxaa ogolaaday xaalada deg dega ah 40 xildhibaan, markii la doonayay in gacanta loo taago inta diidan ayaa guddoomiyaha Golaha wakiiladu Baashe Maxamed Faarax fadhiga deg deg u xidhay iyada oo ay codeyntii socoto, buuq iyo sawaxan ayaa hadheeyay xarunta Baarlamaanka, Waxaana loo balamay in fadhi kale la iskugu yimaado maalinta sabtida ah.

Warkan Oo Faahfaahsan Kala Soco Wararkayaga Dambe.