Barcelona oo 3-0 kudubatay Liverpool+SAWIRRO

1718

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dubatay Liverpool iyada oo Blaugrana lug la sii gashay finalka UEFA Champions league. Luis Suarez ayaa goolka furitaanka qaybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay Barcelona laakiin Lionel Messi ayaa laba gool raaciyay qaybtii labaad ee ciyaarta.

Inkasta oo ay Liverpool cadaadis badan ku abuurtay Barcelona isla markaana ay heshay fursado ay goolal ku dhalin kartay, haddana markii ay Reds ku fashilantay in ay fursadaheedii ka faa’iidaysan wayday ayay Barcelona awooday in ay si buuxda uga faa’iidaysatay fursadihii muhiimka ahaa ee ay Reds ku heshay.

Barcelona ayaa Anfield iskeeni doonta iyada oo ah kooxda u baahan in ay natiijadan ilaashato oo kaliya halka Liverpool ay hadda sugayso shaqo buur fanasho ahi kadib markii ay guuldaro waji gabax ah kala soo laabteen Camp Nou.

Daqiiqadii 26 aad Barcelona ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta kadib markii uu Luis Suarez ku soo duulay kubbad caawin uu ka helay Jordi Alba wuxuuna goolkani ahaa mid uu Suarez kaga baxay abaartii xumayd ee ka haysatay gool la’aanta Champions league.

Waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan, kooxda Liverpool ayaana ku soo gashay dar dar aad xoogan balse uma suura galin in iska soo gudaan goolka deenta ah.

Messi ayaa mugdi giliyey rajadii Liverpool isaga oona dhaliyey goolka labaad ee ciyaarta daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta, goolka Messi ayaa ka dhignaa goolkii ugu horeeyey ee uu ka dhaliyo Liverpool.

Waqti yar kaddib laacibka reer Argentina ee Messi ayaa mar kale gool il qabad leh oo laad xur ahaa ka dhaliyey Liverpool daqiiqadii 82 aad ee ciyaarta,natiijada kulanka ayaana isku badashay 3-0.

Ugu dambeen kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Barcelona iyo Liverpool ayaa ku soo idlaaday 3-0 oo ay ku adkaadeen Kooxda Barcelona.