Baarlamanka Itobiya oo xasaanadda kaqaaday Saraakiil ka tirsan Tigray

1443

Mudanayaasha Aqalka golaha wakiilada ee dalka Itoobiya oo maanta kulan xasaasi ah ka yeeshay xaaladda gobolka Tigray ayaa xaasanadda ka qaaday saraakiil sar-sare oo ka tirsan gobolkaasi oo dhacay waqooiga wadanka Itoobiya.

Illaa 39 saraakiil oo ka tirsan maamulka Tigray ayaa xasaanadda lagala noqoday, kaddib codsi ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi.

Saraakiishaasi waxaa ugu horreeyo madaxweynaha gobolka Tigray, Debretsion Gebremichael iyo saraakiisha kala ah, Abay Tsehaye, Amb Addisalem Balema, Getachew Reda, Atsebeha Aregawi, Gebregziabher Araya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan TPLF.

Dhammaan xubnahan ayaa waxaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan xiisada kacsan ee gobolka, dagaallada socda iyo dambiyo kale.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo weli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano TPLF.

Itoobiya ayaa xaalad gashay, tan iyo markii ay qarxeen dagaalladaasi, iyada kumanaan qoysas ay ka tallaabadeen xuduuda dalka Suudaan, si uga fogaadaan colaadaasi.

HALKAN KA AQRISO SHEEKADAN