Bacaadweyn oo ay daadad qaadeen+SAWIRRO

1712

Magaalada Bacaadweyn oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa lagu soo warramayaa inay ku fataheen oo ay galeen daadad xooggan oo dhibaato weyn ka horseeday magaalada.

Wararka ayaa waxay sheegayaa in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen magaalada, ayada oo dad kale oo badanna ay ku baralaceen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax gurmad ah magaaladaas ku wajahan, oo ka imaanayaa Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaankaas ka barakakacay. Iska daa gurmad’e, xitaa ma jirto cid ka hadleysa dhibaatada halkaas ka dhacday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay haatan dadaalkeeda isugu gaysay magaalooyinka Qardho iyo Baardheere, oo sidoo kale ay daadad qaadeen, halka Wabiga Shabeelle isagana lasoo warinayo in uu ku fatahay tuulooyin hoos yimaadda degmada Mahadaay, kuwa kalena ay khatar ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inaysan u caddaalad falin shacabka, islamarkaana gargaarka ay fidiso ay badanaa ku salleyso dano siyaasadeed, iyo heerka ay le’eg tahay saameynta siyaasadeed ee deegaanada ay dhibaatada ka dhaceen.