Bakayle,Bayle iyo Mahdi oo kormeeray dekeda Muqdisho +SAWIRRO

2001

Sii-hayaha Ra’isul Wasaaraha Somalia Mahadi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyaan Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa maanta kormeeray Dekeda magaalada Muqdisho si loo dar-dargaliyo howlaha lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Dekeda sida ay usocoto shaqada waxaana uu bogaadiyay sida hufnaanta leh ee ay u shaqeeyaan howl-wadeenada .

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebok ku sheegay in Dekeda Muqdisho ay tahay isha dhaqaalaha dalka.

“Maanta waxaan kormeer ku tagnay aniga iyo Sii-ha Ra’isul Wasaaraha Dalka Mahdi Gulaid Dakadda Magaalada Muqdisho oo ah isha dhaqaalaha iyo dakhliga dalka” ayuu yiri Wasiirka

Waxaan uu u mahad celiyay Wasiirka Maamulka, shaqaalaha Dakadda iyo Wasiir Maryan Aweys oo wax badan ka qabatay dib habeynta howl-maadmee dka Dekeda Muqdisho.