Banaan bax rabshado wata oo laga cabsi qabo inuu berito kadhaco Muqdisho+VIDEO

1473

Dowladda Soomaaliya ayaa galabta Xarunta Xisbiga ee degmada Wardhiigley ku soo bandhigtay ciidamo loo diyaariyay ka hortagga Rabshadaha, iyadoo ciidamadan ay dhoolatus u yihiin banaan bax la qorsheynayo inuu berri ka dhaco Muqdisho.

Munaasabad lagu soo bandhigayay ciidamadan ka hortagga rabshadaha ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana ciidamadan u dhameystirnaa agabka loogu tala galay ka hortagga rabshadaha.

Baraha bulshada ayaa waxaa labadii maalmood re la soo dhaafay lagu hadal hayay banaan baxa la iclaamiyay in 18-ka bishan oo ku beegan berri oo Khakiis ah inuu ka dhacayo Muqdisho.

Inkastoo aan la ogeyn cida leh abaabulka iyo qaban qaabada banaan baxa, hadana xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay in banaan baxaas ay ka dambeeyaan mucaaradka dowladda oo doonaya inay kaga faa’ideystaan danooyin siyaasadeed.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa aad uga walwal qaba banaan baxyada la qaban qaabinayo, waxaana la sheegay in Hey’addaha ammaanka ay shirar is daba joog ah ka lahaayeen sidii lagu baajin lahaa banaan baxyada la abaabulayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in banaan baxa looga soo horjeedo yahay tacadiyada ay ciidamada u geystaan shacabka, gaar ahaan Dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata, oo bilihii la soo dhaafay ay ciidamada toogasho ku dileen dhalinyaro badan.

Sabtidii la soo dhaafay ayay aheyd markii askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu wiil dhaljnyaro bajaajle ah iyo qof kale ku dilay Isgoyska Howl-wadaag, waxaana dilkaas ka dhashay banaan baxyo rabshado watay oo hareeyay magaalada oo dhan, kaasoo lagu gubay taayaro.