Banaanbax ka socda Afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya+SAWIRRO

1661

Waxaa Maanta markale Banaanbax ka hor-dhigay Irida laga galo Madaxtooyada Soomaaliya qaar ka mid ah Ciidamadii hore ee Naafada Qaranka ee ku naafoobey dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ciidamadii hore ee Naafada Qaranka ee banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay sheegeen inay ka cabanayaan in mudo ka badan 5 bilood aysan qaadan wax mushaar ah.

Todobaadyo ka hor ayaa Ciidamadii hore ee Naafada Qaranka waxa ay baanbax ka dhigeen Irida Hore ee laga galo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ee Shimbiraale oo u dhow Hotelka SYL ee Magalada Muqdisho.

Mararka qaar ayaa waxaa la maqlayay rasaas ay ridayeen Ciidamada ilaalada Madaxtooyada,waxaana qoraxda ama cadceeda oo aad u kulul ay diidayaan in Gaadiidka ay Madaxdu wataan inay galaan Madaxtooyada ama kasoo baxaan.