Banaanbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Socda Gaalkacyo

1524

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda banaanbax rabshado wata oo ay dhigaan dadka deegaanka Magaalada oo ah kuwa careysan, una badan Haween.

Banaanbaxayaasha oo isugu jira Haween, Caruur iyo dhalinyro ayaa isu soo baxay, iyagoona dalbanaya in dib loo soo celiyo dhalinyro Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eritrea oo qaarkood la sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay Itoobiya.

Sidoo kale dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa qaarkood taayaro waaweyn ku gubaya waddooyinka Magaalada Gaalkacyo, iyagoona sheegay inay aad xun yihiin sida Carabka ku dhufteen in dhalinyraro loo qaaday tababar lagu laayay dagaalkii Gobolka Tigree-ga.

Qaar kamid ah banaanbaxayaasha u badnaa Hooyooyin oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in dib loo celiyo dhalinyarada horey dowladda tababar ugu baaqay dalka Eritrea.

Si kastaba dowladda Federaalka ayaa beenisay warar maalmihii dambe si weyn baraha Bulshada loogu faafiyey oo lagu sheegay in Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday Eritrea ay ku dhinteen dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigree-ga ee dalka Itoobiya.

Dowladda oo u hadlaayay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Dubbe ayaa shaaciyay in danno siyaasadeed laga leeyahay wararka la faafiyay, isla markaana la doonayo in la Jahwareeriyo Hooyooyinka Soomaaliyeed isagoo arrintaas nasiib darro ku tilmaamay.