DAAWO:- Bandhow lagu soo Rogay Magaalada Jigjiga

1623

Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku dhimatay Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshado ka dhacay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Rabshaddaha ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen Qowmiyaddaha Soomaalida iyo waliba Amxaaradda ee dalka Itoobiya.

Shir deg deg ah oo ay yeesheen Hay’addaha Ammaanka ee dowlad degaanka ayaa waxa ay ku shaaciyeen in Bandow lagu soo rogay Magaalada Jigjiga xilliyadda habeenkii ah.

Bandowga ayaa bilaabanaya 10:00 Habeenimo, waxaana xilliggaasi wixii ka dambeeyay la diiday in ay socdaan dadka iyo waliba gaadiidka si loo adkeeyo Ammaanka Nabadgaliyadda Magaalada Jigjiga.