Bandowgii dowlada soo rogtay oo ka dhaqan galay Muqdisho+SAWIRRO

1596

Waxaa xalay magaalada Muqdisho si rasmi ah uga dhaqangalay Bandow ay kusoo rogtay dowladda fedraalka Soomaaliya kaas oo looga gol leeyahay xakamaynta xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Bandowga ayaa bilaabanayay 8:00-fidnimo ee xalay waxaana daqiiqado ka hor inta uusan bilaabay wadoyinka gaaf wareegayay gaadiid lagusoo xiray cod bahiyaal dadweynahana loogu sheegayay in uu dhowyahay xilliga u bilaaban lahaa Bndowga isla markaana ay diyaargaroobaan goobaha ganacsigana ay xiraan.

Intas kadib waxaa toos u bilawday bandowga waxaana Isgoysyada qaarkod lagu arkayay Shabaqlayaal ay wataan ciidamada boliiska ee fulinayay amarka Bandowga magaalada Muqdisho.

Taliyaha Boliisk o la hadlay Warbaahinta ayaa tilmamay in Bandowgu uu xalay ka dhaqangalay Magaalada islamarkaana uusan sameyn doonin goobaha lagu Iibiyo Daawooyinka iyo Dukaamada Raashinka qalalan,isaga oo ciidmaada ugu baaqay in ay dadka xanuunsanaya u fududeeyaan gaarista goobaha Caafimaad.

Dhnaca kalana guddoomiye ku-xigeenada mamaula gobolka Banaadir ayaa xalay kormeeray inta badan degmooyinka gobolka Banaadir si ay ugu kuurgalaan sida uu u dhaqangalay Bandowga magaalada.