Barakac ka bilowday dalka Kenya

2062

Qaar ka mida dadka rayidka ah ku nool degaanka Lamu ee gobolka xeebta Kenya, ayaa billaabay inay halkaas ka guuraan iyagoo degaya xaafado yar yar si ay amaan ugu helaan.

Dadka shacabka Kenyan-ka ah ee aanan haysan Diinta Islaamka ayaa bilaabay inay ka barakacaan deeganada ku xeeran Magaalada Lamu ee dalka Kenya, sida ay sheegayaan Warbaahinta dalka Kenya.

Sababta ugu wayn ee keentay Barakac ay sameynayaan dadka Kenyan-ka ah ee Kirishtaanka ayaa waxa ay tahay in Ururka Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan dadka Kirishtaanka ah ee dalkaasi u dhashay.

Arrintan ayaa timid maalin ka dib markii ay Al-Shabaab ay weerareen xero milatari oo ay degen yihiin Mareykanku iyo ciidamada argagixisada la dagaalma ee Kenya waxaana halkaas lagu diley 3 ka mida milatariga Mareykanka.

Al-Shabaab ayaa xoojiyay weerarada ay ku qaadayaan degaanada ay ku yaalla Xadka ay waddaagaan Soomaaliya iyo Kenya.