Barakac ka bilowday tuulooyin ka tirsan Sh/dhexe +SAWIRRO

1782

Boqolaal qoys ayaa ka barakacay tuulooyin fara badan oo hoos taga magaalada Jowhar iyo qeybaha kale ee gobolka Sh/dhexe ka dib markii uu ku fatahay webiga Shabelle.

Wararka ayaa sheegaya in fatahaada webiga ka sokow ay ka jiraan degaano ka tirsan gobolka roobab maalmahanba da’ayey oo xaalada uga sii daray markii ay ka dhasheen daadad xoog badan.

Qaar ka mid ah dalagyadii beeraha ee sanadkan ay sugayeen beeraleyda tuulooyinkan ayaa la sheegay inuu khasaare xoog leh soo gaaray ka dib markii ay biyuhu qaadeen, waxaana ka mid ah tuulooyinka laga barakacay ee ay fatahaadu saameysay:-

  1. Buulo Axmed Cigow
  2. Muriyaale
  3. Lamawaab
  4. Buulo Bishaar
  5. Gaafaay
  6. Timire
  7. Magadley
  8. Raqayle
  9. Dayma Same
  10. Raqayloow Buurdheere
  11. Xaanshooley
  12. Geedo Barkaan
  13. Buur Fuule
  14. Jowhar Soomaali.

“Dadka ka barakacay tuulooyinkan oo boqolaal qoys gaaraya waxay u kala yaaceen jihooyin kala duwan sida hareeraha magaalada Jowhar iyo meelo kale iyagoo raadsanaya dhul taag ah oo aanay biyaha soo gaareynin, mana heystaan cunto, biyo nadiif iyo hoy ay ja galaan qoraxda iyo qabowga habeenkii, waxaan ugu baaqeynaa DF, Jaaliyadaha, ganacsatada iyo qeybaha bulshada iney u istaagaan caawinta dadkan” ayuu yiri Xasan Cabdi Cubeyd.

Waxaa uu sheegay waxgaradka degaanadan iyo culumaaudiinka Soomaaliyeed qaarkood ay magacaabeen guddi ka shaqeeya taakuleynta iyo gurmadka loo sameynayo qoysaskan, wuxuuna xusay in maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Sh/dhexe aysan illaa hadda waxba u qaban dadkan dhibaateysan.