Barcelona Mise Atletico Madrid? Dani Carvajal Oo Sheegay Natiijada Uu Doonayo In Ay Ka Soo Baxdo Kulanka Axada Ee Barca & Atletico

1625

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Dani Carvajal ayaa sheegay natiijada uu doonayo in ay ka soo baxdo kulanka adag ee Barcelona iyo Atletico Madrid ee horyaalka La Liga.

Kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa Axada isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisii 15-aad kulan si weyn isha loogu hayo.

Kooxda Real Madrid ayaa si ku meel gaadh ah hogaanka ugu haysa 3 dhibcood iyada oo la sugayo kulanka Atletico Madrid iyo Barcelona ee Axada dhici doona.

Carvajal oo arintaas ka hadlya kadib kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadha Alaves ayaa yidhi”Waxa aan rajaynayaa in ay labada Kooxood ku kala baxaan bar-baro sababta oo ah waa labada kooxood ee sida tooska noogul tartamaya horyaalka”.