Barcelona Oo Heshiis Cusub laaxiixanaysa Messi

1784

Inkasta oo uu jiro 32 jir hadana kooxda Barcelona ayaa wali doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddigeeda 1-aad ahna kabtankeeda ee Lionel Messi sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 32 jirka ah ayuu heshiiskiisa haatan ee Barcelona uga hadhsan yahay laba sano laakiin Barcelona ayaa qorshaynaysa in ay ka saxiixato 2 sano oo kale sida ay sheegayaan wararku.

Shabakada ESPN ayaa sheegaysa in ay maamulka Barcelona doonayaan in ay heshiiskii 10-aad ka saxiixdaan Lionel Messi tan ilaa markii ay heshiiskii ugu horeeyay ka saxiixdeen sanadkii 2004.

Shabakada ayaa sheegaysa in madaxweynaha Barcelona uu si shaqsi ah u hogaamin doono wadahalada oo uu la gali doono Aabaha Messi ahna wakiilkiisa si uu heshiis cusub uga saxiixdo xiddiga.

Barcelona ayaa heshiiska Lionel Messi ku dartay in uu kooxda u saxiixo heshiis cusub 12 bilood kadib isaga oo kooxda sii joogi doona ilaa xagaaga 2022 laakiin Barcelona ayaa damacsan in ay xiddiga ka saxiixdaan heshiis 4 sano ah si uu kooxda u sii joogo ilaa marka uu gaadho da,da 36 jirka.

Madaxweynaha Barcelona ayaa ogsoon muhiimada uu Lionel Messi u leeyahay kooxda iyo waliba in uu ku jiro wakhtigiisii ugu fiicnaa ee uu kooxda ugu hogaamin karay champions League markii ugu horasay tan ilaa 2015.

Barcelona ayaa doonaysa in ay Lionel Messi sii haysato tan ilaa inta uu ka gaadhayo da,yda 36 jirka taas oo ah 4 sano oo dambe.